Image
Image

Guddoomiyaha ururka HAS oo axada la doorandoono.

Ururka Aqoonyahanada Geeska Afrika, ayaa dib u dooran doona hogaan cusub, kadib markii uu is casilay guddoomiyihii hore ee ururkaas.

Xilkaan ayaa u taagan Mustafa M. Harun iyo Suleeban D. Bocoreey oo dhamaantoo ka wada tirsan xubnaha aas’aasay ururka.

Labada musharax ayaa soo bandhigay qorshahooda wax qabad ee mustaqbalka ururka.

Todobaadkii hore ayeey ahayd markii codsigooda la qabtay isla markaana su’aalo laga waydiiyay xilka ay qabandoonaan iyo howsha sida ay u qabandoonaan.

Guddiga doorashada HAS, ayaa ku qancay cudsi soo gudbintooda musharaxiinta, waxayna qorsheeyeen doorasho kale oo dhici doonta axada si loo helo hogaamiye howsha taala meesheeda ka sii ambaqaada.

Translate »